Wararkii ugu dambeeyay ee Dagaal ka bilowday Galgaduud.

XERAALE (IDIL NEWS)-Faah-faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaysa dagaal xooggan oo u dhaxeeyay Ciidamo taabacsanaa Maamulka Galmudug iyo Maleeshiyaadka deegaanka, kaas oo xalay ka dhacay deegaanka Xeraale ee gobolka Galgaduud.

Dagaalkan ayaa yimid kaddib markii saqdii dhexe ee xalay galbeedka Xeraale ay duulaan ku soo galeen Ciidanka Galmudug, iyagoo iska caabin xooggan kala kulmay maleeshiyada deegaanka oo xilligaasi waday dhaq dhaqaaqyo.

Wararka saaka laga helayo deegaanka Xeraale ayaa soo sheegay in laga saaray Ciidankii weerarka soo qaaday, haatanna uu dagaalka ka socdo banaanka Xeraale, iyadoo dadka deegaanka ay arkeen meydadka 4 qof oo ka mid ah dhinacyadii dagaaalamy, halka dhaawaca uu ka badan yahay todobo ruux.

Dadka deegaanka ayaa bilaabay barakac, iyagoo ka cabsi qaba in xilli kasta uu dhici karo dagaal rogaal celis ah, waxaana gudaha deegaanka ka socda abaabul ay sameynayaan Maleeshiyaadka deegaanka oo gawaarida dagaalka banaanka u soo saaray.

Sanadkii hore ayaa waxaa deegaanka Xeraale ka dhacay dagaal u dhaxeeyay maleeshiyo deegaanka iyo Ciidamo taabacsan Ahlusuna, waxaana uu dagaalka salka ku hayay gacan ku heynta deegaanka.

IDIL NEWS