Wasiir ku-xigeenka amniga Puntland oo balanqaad u sameeyay Laamaha ammaanka Gobalka Mudug (Daawo)

GAALKACYO (IDIL NEWS)-Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Amniga iyo DDR-ta Dowladda Puntland Yuusuf Maxamed Ismaaciil, ayaa maanta kormeeray Taliska Ciidanka Booliska Puntland ee Gobalka Mudug, Isagoona warbixin ka dhageystay Taliye ku-xigeenka Ciidanka Booliska Dowladda Puntland Gen. Cismaan Xasan Cuuke.

Wasiirka ku-xigeenka amniga Dowladda Puntland oo la hadlay Warbaahinta ayaa Sheegay in kormeerka ay ku sameeyeen Taliska Booliska uu qeyb ka yahay koormeer ay ku marayaan Degmooyinka Gobalka Mudug.

Wasiirka ayaa sheegay inay dadaal ku bixinayso Xukuumadda cusub daboolida baahiyaha ay qabaan Laamaha ammaanka Dowladda Puntland, si looga takhaluso kooxaha geysta falalka ammaan-darro.

Daawo.

IDIL NEWS