Wasiirka Arrimaha Dibedda Eritrea oo gaaray Hargeysa, kulana la leh Madaxweyne Biixi (Daawo)

HARGEYSA (IDIL NEWS)-Wasiirka Arrimaha dibadda Eritrea iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta oo Isniin ah ka degay magaalada Hargeysa ee Caasimadda Maamulka Somaliland.

Booqashada Wasiirka Arrimaha Dibadda Eritrea Cusmaan Saalax Maxamed oo ahaa mid aan horay loo sii shaacin ayaa saakay un ka war heshay warbaahinta maxaliga.

Madaxweyne kuxigeenka Somaliland C/raxmaan Seylici ayaa wafdiga Wasiirka Arrimaha Dibadda Eritrea ku soo dhoweeyay garoonka diyaaradaha Cigaal.

Wasiirka arrimaha dibadda Eritrea Cismaan Saalax Maxamed oo shir jaraa’id ku qabtay Hargeysa,  ayaa sheegay in Madaxeynaha Eritrea uu soo diray si ay u ogaadaan waxaa ka socda Somaliland.

Wafdiga wasiirka Arrimaha Dibadda Eritrea ayaa loo galbiyay Madaxtooyada, halkaasoo wada hadalo kula yeelanayo Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi.

Daawo.

IDIL NEWS