Wasiirka Arrimaha Dibedda Eritrea oo ku wajahan Hargeysa.

HARGEYSA (IDIL NEWS)-Wafti balaaran oo ka socda Dowladda Eritrea, ayaa maanta ku wajahan Magaalada Hargeyso ee xarunta Maamulka Somaliland.

Waftigan ayaa waxaa Hoggaaminaya Wasiirka Arrimaha Dibedda Eritrea Cismaan Saalax Maxamed, Iyagoona marti-qaad ka helay Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, kaas oo dhowaan kasoo laabtay Dalka Isu-tagga Imaaraadka Carabta.

Lama oga u jeedada Socdaalka Waftiga ka socda Eritrea ee wajahan Hargeysa, Iyadoona Wararku ay sheegayaan in Madaxweyne Biixi iyo Masuuliyiinta Eritrea ay ka wada-hadlayaan Is-bedelada ka socda Gobalka Geeska Africa iyo sidii loo wanaajin lahaa Xiriirka Somaliland iyo Eritrea.

Waftigan ayaa ah kii ugu horeeyay ee heerkiisu sareeyo kana socda Eritrea oo tagaya Somaliland, waxaana Tallaabadaan ay imaaneysa xilli sidoo kale Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi uu dhawaan tagay dalka Itoobiya oo xiriir wanaagsan la leh Eritrea, isla markaana uu la kulmay Ra’iisul Wasaaraha dalkaas Abiy Axmed.

IDIL NEWS