”Waxaa isoo diray Madaxweynahayga Asiyaas”(Daawo)

Waxaa isoodiray Madaxwaynahayga Si,aan Uga Wardoono Waxa Ka Socda Iyo Xaalada Somaliland”sidaa waxaa yiri Wasiirka arimaha dibada ee dalka Eretereya oo booqasho aan lasii shaacin ku tagay Hargaysa saakay.

Wasiirku waxuu kaloo sheegay in ay Eretereya ku jirtay xaalada qalafsan 20-kii sano ee lasoo dhaafay,taasoo ku keentay in ay go’doon ka noqdaan fagaaryaasha caalamka.

Booqashada Waftiga Eretereya ee Hargaysa lama oga haday Dowlada Fadaraalka Somaliya ka warhaysay.

Somaliland ayaa ku faraxsan booqashadan iyo kuwa ka horeeyay oo ay ku gaareen Hargaysa Diblomaasiyiin heerkoodu sareeyo.

Inkastoo Eretereya aysan wax badan ku kordhinayan xaalka Hargaysa hadana ugu yaraan waa Jamhuuriyda haysata aqoonsi caalami ah,hoos ka daawo muuqaalka.

Halkan hoose ka daawo muuqaalka