Garoowe: Guddoomiyaha Baarlamaanka oo dib ugu soo laabtay Puntland, kana gaabsaday (Daawo)

GAROOWE (IDIL NEWS)-Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Dowladda Puntland C/xakiin Maxamed Axmed (Dhooba-daareed), ayaa maanta dib ugu soo laabtay Magaalada Garoowe ee caasimadda Dowladda Puntuland, kaddib socdaal dheer oo uu ku tagay Dalka Jabuuti iyo Magaalada Muqdisho.

Guddoomiye Dhooba-daareed oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in socdaalkiisu uu ahaa mid shaqo oo uu ugu adeegayay Shacabka Puntland, isagoona sheegay inuu shirar uga qeyb-galay dalka Jabuuti iyo Magaalada Muqdisho.

Guddoomiyaha ayaa ka gaabsaday in uu faah-faah dheeraad ah ka bixiyo waxyaabihii ay ku saabsanaayeen shirarkii uu uga qeyb-galay Jabuuti iyo Muqdisho, balse waxaa uu xusay inay ahaayeen kuwo uu ugu adeegayo Shacabka.

Daawo.

IDIL NEWS