Garoowe: Howlgallo lagu burburinayo Dhismayaasha sharci-darada ah oo socda (Sawirro)

GAROOWE (IDIL NEWS)-Dowladda Hoose ee Magalada Garoowe ee Caasimadda Dowladda Puntland, ayaa bilaawday howlgal lagu bur burinayo Dhismayaasha sida khaldan looga sameeyay Waddooyinka waa weyn ee Caasimadda, oo ay kamid yihiin Kadhadaha loo yaqaano Askari jiifa ee laga dhex dhiso Wadada.

Howlgalkan lagu burburinayo dhismooyinka khaldan iyo Hakiyayaasha Gaadiidka ah ee laga sameeyay Waddooyinka, ayaa laga sameeyay Xaafada Wadajir ee Magaalada Garoowe, Iyadoona Dowladda Hoose ee Caasimaddu ay sheegtay inay sharci-darro ahaayeen.

Xoghayaha dowladda Hoose ee Magaalada Garoowe Maxamuud Cali Xasan ayaa sheegay in dowladda Hoose furi-doonto meel kasta oo si sharci darro ah loo xirtay, isla markaana dadwaynaha ugu baaqay inay ka waan toobaan arimaha noocaas ah.

Dowladda Hoose ee Degmada Garoowe ayaa horey digniin uga soo saartay dadka laamiyada Magaalada qaarkood ka dhisaya Dhismayaasha sharci-darada ah, waxa loo yaqaano Askari jiifa si gawaarida aysan xoog ugu socon.

Sawirro.

IDIL NEWS