Gedo: Al-Shabaab oo la wareegtay Degaanka Buusaar.

BUUSAAR (IDIL NEWS)-Wararka naga soo gaaraya Degaanka Buusaar ee Gobalka Gedo, ayaa sheegaya in dagaalyahanada Kooxda Al-Shabaab ay saaka la wareegeen Degaankaas.

La wareegitaanka dagaalyahanada Kooxda Al-Shabaab ee Degaanka Buusaar, ayaa timid kaddib markii degaankaas ay aroortii hore ee saaka Ciidamada Dowladda Kenya oo fariisimo ku lahaa degaankaas.

Dadka degaanka ayaa sheegay in daqiiqado kaddib bixitaankii Ciidamada Kenya, ay Shabaabku qabsadeen degaanka, iyagoona haatan isku fidiyay gudaha degaanka.

Ciidamada Kenya ayaa sidan oo kale dhowaan baneeyay degaanka Faxfax-dhuun oo hoos-tagga degmada Baardheere ee Gobalka Gedo, iyagoon ku war-gelin maamulka degaanka iyo kan gobalka Gedo, waxaana haatan cabsi soo foodsaartay Shacabka oo ka baqanaya inay dhibaateeyaan Maleeshiyaadka Al-Shabaab.

Wixii kasoo kordha kala soco Idil News.

IDIL NEWS