Madaxweyne Deni oo sheegay inay baaris ku socota weli Kiiskii Caa’isho Ilyaas (Daawo)

GAROOWE (IDIL NEWS)-Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa xafiiskiisa ku qaabilay ehelada Caasha Ilyaas Aadan Qarjab oo dhowaan kufsi iyo dilka loogu geystey magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug.

Ehelada CAASHA ayaa waxaa hormuud u ahaa Ilyaas Aadan Qarjab oo ah CAASH Aabaheed, waxaana Madaxweynaha kulankaasi ku wehelinaayey Wasiiru dowladha Madaxtooyada iyo Arrimaha Dastuurka Saalax Xabiib Jaamac, Agaasimaha guud ee Madaxtooyada Puntland Maxamed Cabdiladiif Yuusuf, Lataliyaha Madaxweynaha Arrimaha Saharciga, Xasan Yuusuf Nuur iyo saraakiil ka tirsan Madaxtooyada Puntland

Madaxweynaha Puntland ayaa ugu horayn si adag uga falceliyey tacadigii fooshaxumaa ee Caasha loogeystey, waxa uu cadeeyey Madaxweynuhu in sharciga la horgeynaayo dadka falkaasi geystey, wax naxariis ah oo loogeleyaana aanay jiridoonin, isla’markaana kiiskaasina lagu dhammayndoono si deg deg ah.

“Marka ugu horeysa waxaan tacsi tiiraanyo leh u dirayaa marlabaad Ehelada Caasha iyo qoyskeeda inta ila joogta oo Aabaheed ugu horeeyo, Allaah samir iyo iimaan haka siiyo gabadhaas saqiirka ah oo runtii gardarada iyo gefka foosha xun loo geystay, waxaan runtii aad uga xumaha in arrintaas oo kale ay ka dhacday meel adduunka ka mid ah, Soomaaliya gaar ahaan Puntland in ay ka dhacday waan kasii xumahay.”

“Waxaan rajeynayaa Inshaa Allaah iyada oo laamaha amniga ay gacanta ku hayaan baaritaanka iyo in si dhakhso ah dadkii eedeysanayaasha ahaa ee dilka foosha xun gaystay cadaaladda lahorkeenidoono, waxa ay mudan yihiina la marindoono, iyada oo waxdib u dhac ahna uusan jiridoonin hadii Alle idmo”

Dhinaca kale Madxweyne Deni ayaa shacabka Puntland ugu baaqay inay ilaashadaan sharaftooda iyo karaamadooda, kana dhiidhiyaan falalka lagula kacayo aruurta yar-yar ee aan mutaysan falalka foosha xun ee ugub ka ku ah dalka, Madaxweyanaha ayaa dhaqanka caasha lagula kacay ku tilmaamay wax xun oo aan abid ka dhicin adduunka.

“Waxaan runtii ehelada, qaraabada, asxaabta, dadka Puntland oo dhan iyo dhammaan intii ka damqatay aan la wadaagaya tacsidaas tiiraanyada leh, waxaan rajaynayaa in ay cashar u noqoto Caasho gabdhaha da’deeda ah ee dhibaatooyinka meel kasta loogu geysanaayo, dadka reer Puntland waxaan ugu baaqayaa maanta in ay u kacaan sidii sharaftooda ay u ilaashan lahaayeen in gabdhaha aan dhalnay ee yar-yar ka ah ee dhibaatooyinkaas iyo kuwa lamidka ah loo gaysto, runtii waxa ay nagu tahay ceeb waana dhaqan ay ummaddan aysan lahaan jirin oo runtii u baahan meesha uu kasoo galay iyo sidii loo cirib tiri lahaa la’iska kaashado Dowlad ahaan iyo shacab ahaanba” Ayuu yiri Madaxweynaha Puntland.

Ugu dambeyn, Ilyaas Aadam Qarjab oo ah Caasho Aabeheed ayaa sheegey in si wanagsan uu Madaxweynaha Dowladda Puntland u qaabiley, isla’markaana uu Madaxweynuhu balan ku qaaday in sharciga lamarin doono danbiilayaashii falkaas arxandarada ahaa geystay si ay ugu cibro-qaatan cida danbe ee niyaysata fal nocaas ah.

Daawo.

IDIL NEWS