Ra’iisulwasaaraha Itoobiya oo gaaray Doxa, kulana la leh Amiirk Qatar (Sawirro)

DOXA (IDIL NEWS)-Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed iyo wafdi ballaaran uu hoggaaminayay ayaa maanta gaaray magaalada Doxa ee dalka Qatar, kaddib markii uu martiqaad ka helay Amiirka Qatar.

Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa waxaa garoonka diyaaradaha ee Doxa ku soo dhaweeyay Jassim bin Saif Al Sulaiti oo ah Wasiirka Isgaarsiinta Qatar.

Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed iyo Amiirka Qatar Sheekh Tamiim Bin Hamad al-Thani ayaa wada hadalo ku leh qasriga Madaxtooyada, Iyagoona Wada hadalada labada dhinac ay diiradda ku saaraya xiriirka labada dal, iskaashiga iyo xaaladaha ka jira Gobolka Geeska Afrika, gaar ahaan is bedelka uu hormuudka ka yahay Abiy Ahmed.

Qatar ayaa xilligan galaan-gal xooggan ku leh arrimaha Gobolka Geeska Afrika, gaar ahaan dowladda Soomaaliya oo ay xulufo la tahay, isla markaana siiso taageero dhaqaale.

Sawirro.

IDIL NEWS