Shacab lagu laayay Duqeyn ka dhacday Degaanka Bariire.

BARIIRE (IDIL NEWS)-Diyaaradaha dagaalka ee Mareykanka ayaa shalay gantaalo ku dhuftay gaari noociisa lagu sheegay Saaruf, kaas oo kasoo baxay xarunta Maxkamadda Kooxda Al-Shabaab ay ku lee dahay Degaanka Bariire ee Gobalka Shabeelaha Hoose.

Wararka ayaa sheegaya in Dadka la duqeeyay ay ahaayeen Shacab, kuwaas oo markoodii hore kayimid degaanka Ceelasha Biyaha ee duleedka Magaalada Muqdisho, waxaana la sheegay in Maxkamadda Al-Shabaab ay ku amartay inay yimaadaan Degaanka Bariire, sida ay sheegeen Eheladoodu.

Gaariga la duqeeyay ayaa waxaa saarnaa 3 qof, waxaana la sheegay in laba kamid ah ay dhinteen duqeynta, halka midka kalena uu soo gaaray dhaawac halis ah, Iyadoona saaka la geeyay Magaalada Muqdisho.

Ehelada Dadka la duqeeyay ayaa sheegay in 3 Ruux ay Maxkamadda Al-Shabaab u aadeen dood ku saabsan Murun dhul oo ay kala dhaxaysa dad kale, Kuwaas oo dacwad uga gudbiyay Al-Shabaab.

Dowladda Soomaaliya iyo Saraakiisha Maraykanka ee Soomaaliya ka howlgala, ayaan weli ka hadlin weerarkan lagu laayay Dadkan la sheegay inay ahaayeen Shacab, waxaana uu imaanayaa weerarkani xilli diyaaradaha dagaalka Mareykanku ay xoojiyeen duqeymaha ay ka fuliyaan Gobalka Shabeelaha Hoose.

IDIL NEWS