XOG-WARAN: Kooxda Aaran-jaan oo cuna-qabateyn kusoo rogtay Ganacsatadii Puntland ?

GAROOWE (IDIL NEWS)-Kooxda Aaran-jaan oo garwadeen ka ah ama gacanta ku haysa Dawladda Puntland ee uu Madaxweynaha ka yahay Mudane Siciid Cabdulaahi Den ayaa waqti yar gudihii qaadatay qandaraasyo cusub ee oo ay isku naas-nuujinayso.

Kooxda Aaran-jaan gaar haan hogaamiyahooda Maxamuud Shido ayaa si gaar ah u qaatay Qandaraasyada kala ah:

  1. Cunto siinta hay’adda dawladda, shirarka iyo siminaarada
  2. 2- Tigid jarista shaqaalaha dawladda marka ay dhoofayaan gudaha wadanka iyo dibadiisa

Cunto siinta hay’adda dawladda;

Shirkii Jiheynta Xukuumadda cusub ee Puntland ee sadexda cisho dhawaan ka socday Garoowe, ayaa waxaa qaatay shirkad uu leeyahay Maxamuud Shido oo la yiraahdo HRM.

Qandaraaska ayaa qoraya in wixii cuno ah isaga laga qaato, isagoo cunaqabateeyey ganacsatadii lahaa meheradaha waawayn ee ku yaalay Garowe, kuwaas oo markii hore dawladdu midba mar ka dalban jirtay.

Muxamauud Shido oo dadka yaqaana ay ku sheegaan Shaqsi aan jecleyn in dadka kale ay ka faa’idaan, ayaa la sheegay inuu isagu dalbaday in loo gacan galiyo Qandaraas koobnaa, si uu u ugu dhufsado Dhaqaale badan.

Arintani Garowe waxay ku noqotay arin ugub ah, waxaan walaac ka muujiyey ganacsatada Garoowe meheradaha ku leh, oo ay lasoo deristay cunaqabatayn.

Lam gararayo inuu madaxweynaha Puntland arintan la og yahay, hase yeeshee waxaa jira in madaxweynaha ay maamusho ama ay gacanta ku hayso kooxda Aaran-jaan ee uu hogaamiyo Maxamuud Shido.

Sidoo kale, Wasiiro uu ka mid yahay Wasiirka Qorshayta oo lagu qabtay Wasaaradiisa ayaa Maxamuud shido, ayaa la sheegay in Maxamuud Shido uu ka cadeeyay Fagaarayaasha inuu keensaday wasiirka.

Tigid jarista shaqaalaha dawladda;

Shirkada HRM oo uu leeyahay Maxamuud Shido ayaa qandaraas ku qaadatay Tigid jarista shaqaalaha dawladda, marka ay u Socdaalayaan gudaha wadanka iyo dibadiisa.

Markii hore waxaa jari jiray Ajensiyo kala duwan oo badan oo ku yaala gobolada dalka, kuwaas oo hada noqday shaqo la’aan.

Maxamuud Shido oo degaan ahaan kasoo jeeda Gobalka Nugaal ayaa waxa lagu yaqaan inuu shaqada qoro ama soo dhawaysto caa’ilada hoose ee qoyskiisa, isagoo qori dheer isaga xiray dhalinyarada aqoonyahanada ah ee reer Puntland.

Dadka yaqaan waxay sheegaan inuusan jeclayn Maxamuud Shido dadka horumarka sameeya.

Hay’addaha dawladda kuwooda ka madax banaan ee uusan keensan waxa uu ugu goodiyaa inuu shaqada ka eryayo haddii aysan qandaraas siin.

Si kastaba ha ahaatee, Hab-dhaqanka Siyaasadeed ee uu la yimid Madaxweyne Deni iyo Xukuumadiisa ayaa ah mid ay ka walaacsan yihiin Shacabka Puntland, kuwaas oo is-weydiinaya sida Dowladdu kusii socon doonto mar hadii Koox gaar ah ay gacanta u gashay taladii Dalku.

IDIL NEWS