Balcad: Saraakiisha Ciidamada Gadoodsan oo Shaaca ka qaaday Siro badan (Daawo)

BALCAD (IDIL NEWS)-Ciidamo gadoodsan oo katirsan Milateriga Soomaaliya, kana soo baxay Furimihii dagaalka ee Degaanka Gobalka Shabeelaha Dhexe, ayaa Warbaahinta kula hadlay duleedka degmada Balcad, Iyagoona faahfaahin ka bixiyay sababaha ay u soo baneeyeen xarumahooda.

Saraakiisha ciidamadan iyo qaar kamid ah askarta gadoodsan ayaa sheegay in sababaha ugu waaweyn oo ay ugaga soo baxeen xarumahooda ay tahay markii ay waayeen mushaaraadkoodii iyo taakuleyntii kale ee ay ciidamadu ka heli jireen dowlada.

Ciidamadan oo watay gaadiidka dagaalka ee tiknikada loo yaqaan ayaa waxaa ay sheegeen inay la hadlayaan oo kaliya Madaxweynaha Dowlada Federalka oo ah taliyaha guud ee ciidamada dalka.

Gadoodkan ay sameeyeen ciidamada Milatariga ee gobolka Sh/dhexe ayaa ah kii ugu horeeyay ee ay ku kacaan waxaana laga dareemayaa qaar ka mid ah degmooyinka gobolka Sh/dhexe fariisimaha ay ciidamada baneeyeen.

Daawo.

IDIL NEWS