DEG DEG: Beesha Caalamka oo shir deg deg ah ka leh Gadoodka Ciidanka DF Soomaaliya

MUQDISHO (IDIL NEWS)-Wararka naga soo gaaraya Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya, ayaa Sheegaya in Kulan deg deg ah oo ay leeyihiin Taliyeyaasha Ciidanka AMISOM iyo Xubno ka socda Beesha Caalamka uu hadda ka socda Xalane oo ah Saldhigga ugu weyn ee Beesha Caalamka iyo AMISOM.

Kulankaan ayaa waxaa ku sugan inta badan Taliyeyaasha Ciidanka AMISOM,waxaana looga hadlaaya kasoo bixitaanka Ciidanka dowladda ee degmooyin ka mid ah maamulka Hirshabeelle.

Wararka ayaa sheegaya in kulankan uu yahay mid deg deg ah , Maadaama meelihii Ciidamada ay kasoo baxeen ay ku hareen Ciidanka AMISOM, Iyadoona wararku ay intaas ku darayaan in kulanka laga soo saarayo Saacadaha soo socda War-saxaafadeed ku aadan tilaabada Ciidamada AMISOM.

IDIL NEWS