Garoowe: Shir looga hadlayo Xeerka Dowladaha Hoose ee Puntland oo furmay (Sawirro)

GAROOWE (IDIL NEWS)-Shirka Dib-u-eegista Xeerka Ururka Dowladaha Hoose ee Dowladda Puntland ee loo soo gaabiyo Al-Gabal, ayaa maanta ka furmay Magaalada Garoowe ee Caasimadda Dowladda Puntland.

Shirkan oo ah mid balaaran oo soconaya Maalmaha soo socda, ayaa waxaa kasoo qeyb-galay Mas’uuliyiinta 10 Degmo oo katirsan Puntland iyo Xubno ka socda Ururka Dowladaha Hoose ee Holland ee VNG.

Axmed Maxamed Yaasiin, Xoghayaha Guud ee Ururka Dowladaha Hoose ee Puntland ayaa Sheegay in mudada uu socdo Shirkan dib u eegis lagu sameynayo Xeerka Ururka oo la sameeyay 5 sanno kahor, Iyadoona wax ka bedel lagu samey doono Dastuurka, maadama ururku uu xiriir la yeeshay Ururka Dowladaha Hoose ee dalka Holland.

Sidoo kale, Qaar kamid ah Guddoomiyaasha Degmooyinka Puntland ee Shirkan ka qeyb-galaya ayaa sheegay inay rajeynayaan in wax wanaagsan uu kasoo baxo Shirka, Iyagoona soo dhaweeyay xiriirka cusub ee u bilowday Ururkooda iyo Ururka VNG International.

Cristian Heymat oo kamid ah Mas’uuliyiinta Ururka VNG International ee dalka Holland, ayaa guul taariikhi ah ku tilmaamay wada-shaqeynta u dhexeysa iyaga iyo Ururka Al-Gabal, isagoona sheegay inay garab taagan yihiin Midowga Dowladaha Hoose ee Puntland.

Sawirro.

IDIL NEWS