Al-Shabaab oo weerar culus ku qaaday Degaanka Buula-mareer.

BUULO-MAREER (IDIL NEWS)-Dagaalyahanada katirsan Al-Shabaab ayaa xalay Weerar ku qaadeen saldhig ay Ciidamada Xoogga dalka iyo kuwa AMISOM ay ku leeyihiin degaanka Buula-mareer ee Gobalka Shabeelaha Hoose.

Dagaalka oo ahaa mid culus ayaa Dhinacyadu isku adeegsadeen hubka noocyadiisa kala duwan, waxaana jugta daryankooda laga maqlayay tuulooyinka ka agdhow Buula-mareer.

Saraakiil katirsan Ciidamada Xoogga dalka ayaa sheegay inay iska difaaceen weerarkii kaga yimid dhinaca dagaalamayaasha Al-Shabaab, isla markaana khasaaro ay ku gaarsiiyeen.

Illaa iyo hada lama oga khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay weerarkii xalay ka dhacay degaanka Buula-Mareer oo hoostaga degmada Kuntu-waarey ee Gobalka Shabeelaha Hoose.

IDIL NEWS