Gaalkacyo: Shir looga hadlayo amniga oo haatan socda

GAALKACYO (IDIL NEWS)-Magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobalka Mudug, waxaa ka socda Shir Albaabadu u xiran yihiin oo looga hadlayo amniga Gaalkacyo.

Shirkan oo ah mid balaaran ayaa waxaa goobjoog ah Wasiir ku-xigeenka Amniga Dowladda Puntland, Guddoomiyaha Gobalka Mudug, Taliye ku-xigeenka Ciidamada Booliska Puntland, Duqa Gaalkacyo, Saraakiil Ciidan iyo Waxgaradka Gobalka Mudug.

Shirkan ayaa lagu lafa-gurayaa Xoojinta amniga Magaalada Gaalkacyo oo ay ka socdo Howlgal balaaran oo loogu magacdaray Caa’isho Maxay galabsatay iyo sidii mowqif looga qaadan lahaa dadka qeybta ka ah ammaan darada Gaalkacyo.

Shirkan ayaa kusoo aadaya xilli dhowaan la filayo inay Magaalada Gaalkacyo ka dhacdo Doorashada Golaha Degaanka Degmada, taas oo u diyaar-garowgeeda laga dareemayo Magaalada.

Wixii Kasoo Kordha Kala Soco Idil News.

IDIL NEWS