Goormee Furmayaa Kala-fadhiga 5-aad ee Baarlamaanka ?

MUQDISHO (IDIL NEWS)-Magalada Muqdisho waxaa Maanta kulan ku yeeshay guddiga joogtada ee Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya,waxaana ay ku go’aamiyeen xilliga uu furmayo kal-fadhiga 5aad ee Golaha Shacabka Soomaaliya.

Kulanka ayaa waxaa shir guddoominayay guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan,waxana xubnaha guddiga joogtada ay go’aamiyeen in 27 bishaan Maarso oo ku beegan Maalinta Arbacada in uu si rasmi ah u furmo kalfadhiga 5-aad ee Golaha Shacabka.

Xildhibaanada Golaha Shacabka oo mudo laba bilood ah fasax ku jiray, ayaa waxaa horyaalla Ajandooyin dhowr ah, kuwaas oo u baahan inay ka doodaan, kadibna ay ansixiyaan,sidoo kale inay ka hadlaan xiisadaha siyaasadeed ee dalka ka jira sida cabashada Ciidamada.

IDIL NEWS