Guddiga joogtada ah ee Baarlamaanka oo maanta Shaacinaya waqtiga uu furmayo Kala-fadhiga 5-aad.

MUQDISHO (IDIL NEWS)-Guddiga joogtada ah ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, ayaa lagu waddaa in maanta ay kulan ku yeeshaan Xaruntooda  Magalada Muqdisho, iyaga oo uga hadli doona ,xilliga uu furmayo kal-fadhiga 5-aad ee Golaha Shacabka.

Guddiga ayaa shaacin doona waqtiga rasmiga ah ee uu furmayo Kulanka Golaha Shacabka iyo ajandaha looga hadli doono, iyada oo Xildhibaanada mudo laba bilood ah ay fasax ku jiraan,sidoo kale uu dib u dhac ku yimid kulanka oo qorshuhu ahaa in la furo 10kii Bishaan

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa lagu wadaa in uu ka qeybgalo munaasabada lagu daahfurayo kal-fadhiga 5aad ee golaha Shacabka, hayeeshee waxaa la ogeyn in siwadajir ah loo furi doono kulamada labada Aqal xilli khilaaf uu ka dhex jiro.

Sanadkii hore ee 2018 ayaa waxaa si kala gooni gooni ah u furmay kulamada labada Aqal kadib markii Xildhibaanada Aqal Sare ay kasoo horjeesteen in hal Munaasabad lagu wada furo kulamada labada Aqal, hayeeshee lama oga waxa sanadkaan isbedeli kara.

Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa waxaa horyaalla Ajandooyin dhowr ah, kuwaas oo u baahan inay ka doodaan, kadibna ay ansixiyaan,sidoo kale inay ka hadlaan xiisadaha siyaasadeed ee dalka ka jira sida cabashada Ciidamada.

IDIL NEWS