Kulan looga hadlayo Dhismaha Golaha Degaanka oo ka dhacay Degmada Jariiban (Sawirro)

JARIIBAN (IDIL NEWS)-Masuuliyiin katirsan Maamulka Gobalka Mudug oo gaaray Degmada Jariiban ee Gobalka Mudug, ayaa saaka kulan la qaatay Waxgaradka Degmada.

Kulanka oo ahaa mid looga hadlayay Qabsoomida Doorashada Golaha Degaanka iyo sidii loo hormarin lahaa Degmada Jariiban ayaa waxaa ka qeyb-galay Isku duwaha Wasaaradda Arrimaha Gudaha Dowladda Puntland ee Gobalka Mudug Nadiir Cabdinuur, Guddoomiye ku-xigeenka Gobalka iyo Masuuliyiin kale.

Maamulka Gobalka Mudug iyo Waxgaradka Degmada, ayaa isla qaatay in laga wada shaqeeyo in si cadaalad ah ay u dhacdo Doorashada Golaha Degaanka Jariiban.

Sidoo kale, Dhinacyada ayaa wada gaaray in la dardar-geliyo Mashaariicda Hormarineed ee ka socda Degmada, kuwaas ay iska kaashanayaan Shacabka, Maamulka iyo Dowladda Puntland.

Sawirro.

IDIL NEWS