Madaxweyne Deni “Shaqo la,aanta heysata Dhalinyarada Puntland waa isla-weyni” (Daawo)

GAROOWE (IDIL NEWS)-Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Siciid C/llaahi Deni, ayaa si qoto dheer uga hadlay Shaqo la,aanta baahsan ee heysata Dhalinyarada Soomaaliyeed, gaar ahaan Dhalinyarada Degaanada Puntland ku nool.

Madaxweyne Deni ayaa sheegay in shaqo la,aanta heysata Dhalinyarada ay sabab u tahay in aysan dalka ka jirin Dugsiyo badan oo lagu barto Farsamada gacanta.

Sidoo kale, Waxaa uu xusay in isla weyni iyo in aysan diyaar u aheyn qabashada Shaqooyinka qaar ay qeyb ka tahay arrimaha la xariira shaqo la,aanta heysata Dhalinyarada, Isagoona ku nuux-nuuxsaday in Shaqo dalka ka jirto, taasna ay muujinayso Ajaanib u soo shaqo tagaysa Degaanka Puntland.

Madaxweyne Deni ayaa faray Wasaaradda Waxbarashada iyo Wasaaradaha kale ee Dowladda inay xoogga saaraan in dalka laga hirgaliyo Dugsiyadda Farsamada gacanta, Dhalinyaradana lagu wacyi-galiyo inay bartaan, ayna u bareeraan Shaqooyinta gacanta.

Daawo.

IDIL NEWS