Maxaa kasoo baxay Shirkii Golaha Wasiirada Puntland ? (Daawo)

GAROOWE (IDIL NEWS)-Shirka Golaha Xukuumadda Dowladda Puntland oo uu Shir Guddoominayey Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa Todobaadkan looga hadlay Amniga, Ansixinta Miisaaniyadda 2019, Abaaraha iyo arrimo kale oo muhiim.

Shirka oo ahaa midka caadiga ee Golaha Wasiiradu yeeshay Khamiista, ayaa sigaar ah waxaa diirada loogu saaray arrimaha amniga iyo dhaq dhaqaaqyada ciidan oo kasoo cusboonaaday deegaano ka tirsan Gobolka Sanaag oo Somaliland ay Ciidamo fara badan geysay.

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Isgaarsiinta Iyo Dalxiiska Cali Xasan Axmed Sabarey ayaa ka warbixinaya Shirka.

IDIL NEWS