Maxaa uqabsoomay 2-sano kadib Madaxweyne Farmaajo?(Daawo)

Machadka Daraasaadka ee Heritage ee fadhigiisu yahay magaalada Muqdisho ayaa soo saaray warbixin uu kaga hadlayo wixii u qabsoomay iyo wixii ka qaldamay dowladda Federalka ee Soomaaliya.

Warbixintan ayaa lagu eegay guud ahaan labadii sanadood ee uu xukunka hayay madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo.

Madaxweyne Farmaajo ayaa la doortay 8-dii bishii Feberaayo ee sanadkii 2017-kii, isagoo ololihiisii iyo khudbadiisii doorashadiisa ka dibna balan qaaday inuu isbedel weyn sameyn doono.

Heritage ayaa sheegtay inay warbixinteeda ku jaan goosay, wixii ay dowladdu sheegtay inay qabaneyso iyo waxa ilaa iyo hadda ka hirgalay.

Halkan ka daawo muuqaalka