Mudug: Guddoomiyihii Degmada Towfiiq oo la dhaawacay

BALLI-BUSLE (IDIL NEWS)-Wararka naga soo gaaraya Degaanka Balli-busle ee Degmada Jariiban ee Gobalka Mudug, ayaa sheegaya in Maleeshiyaad hubeysani ay dad shacab ah ku dileen Saddex Ruux oo Xoolo-dhaqato ah Tuulada Xaafoodle ee duleedka Balli-busle.

Dadka la dilay oo rag ahaa ayaa la xaqiijiyay in dhammaantood ay hal qoys ka soojeedeen islamarkaana midkood uu adeer u ahaa 2-da kale.

Dadka Degaanka ayaa sheegay in Maleeshiyada dilkan geysatay ay ka yimaadeen dhinac Maamulka Galmudug, Iyagoona xalay saqdii dhexe soo weerar qoyskan oo dhowaan soo degay Degaanka, kana soo hayaamay Degmada Towfiiq ee Dowladda Puntland.

Dhinaca kale, Guddoomiyihii degmada Towfiiq ee Gobalka Mudug Maxamed Cabdulqaadir Axmed, oo gurmad ahaan u soo aaday goobta dhibaatadu ka dhacday ayaa dhaawac ka soo gaaray rasaas gaarigiisa haleeshay.

Rasaasta ayaa la sheegay in ay rideen dad reer guuraya oo ka shakiyay gaariga guddoomiyaha xilli uu ku socday halka mashaqadu ka shacday, Iyadoona Dhaawaca Guddoomiyaha haatan lagu dabiibayo isbitaal ku yaalla Magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug.

Wixii Kasoo Kordha Kala Soco Idil News.

IDIL NEWS