Madaxweynaha Kenya oo xiray ciwaannadiisii baraha bulshada

Madaxweynaha dalka Kenya Uhuru Kenyatta ayaa Maanta oo jimco ah waxaa uu xiray Ciwaanadiisa uu ku lahaa Baraha Bulshada, kadib markii la sheegay in ruux aan loo ogoleyn uu galay ciwaanada Madaxweyne Uhuru.

Agaasimaha Madaxtooyada Kenya Nzioka Waita ayaa sheegay in ciwaanada ay qadka dib ugu soo laban doonaan, kadib markii lasoo saxo qaladaadka jira ee sababtay in la xiro.


Ciwaanada uu leeyahay Madaxweynaha Kenya ee kala ah Twitterka iyo Facebook ayaa waxaa Maalin walba ku taxan mallaayiin Ruux, kuwaas oo aragtiyo kala duwan ka dhiibta waxyaabaha lagu soo daabaco.

War lagu daabacay The Star ayaa lagu sheegay in sababaha loo xiray Ciwaanada Madaxweynaha Kenya ay qeyb ka yihiin, kadib markii saakay lasoo dhigay warar xasaasi ah oo siyaasadeed, sida” haddii aad musuqmaasuq ku jirto waan kula dagaalamaynaa,xataa haddaad tahay walaalkay, walaashay ama siyaasiga iigu dhaw oo musuqmaasuq ku jira.