Maxaa ka jira in Safiir loo Magacaabay Madaxweyne ku-xigeenkii hore ee Puntland ?

MUQDISHO (IDIL NEWS)-Dowladda Soomaaliya ayaa Safiir u Magacowday  Madaxweyne ku xigeenkii hore ee Dowladda Puntland Eng. Cabdixakiin Cabdullaahi Cumar Camey.

Shirka Golaha Wasiiradda Soomaaliya ee shalay ayaa la hor geeyay Soo jeedinta in Safiir loo Magacaabo Eng. C/xakiin C/llaahi Xaaji Camey, taas oo ay soo gudbisay Wasaaradda Arrimaha Dibedda, Iyadoona Goluhu meel-mariyeen.

Lama shaacin dalka uu Safiirka ka noqonayo, waxaana la filayaa in Madaxweyne Farmaajo uu saacadaha soo socda kusoo saaro wareegto dalka loo magacaabayo.

Magacaabida Safiirnimo ee Madaxweyne kuxigeenkii hore ee Puntland Eng. Camey ayaa loo arkaa mid loogu abaal gudayo sida dhow ee ula shaqeeyay dowladda Madaxweyne Farmaajo labadii sano ee uu Madaxweyne kuxigeenka ka ahaa Puntland.

Eng. C/xakiin C/llaahi Xaaji Cumar Camey ayaa lagu xusuustaa sida uu uga soo horjeeday siyaasadda Madaxweynihii hore ee Dowladda Puntland Dr. C/weli Maxamed Cali Gaas iyo dhismihii Golihii Iskaashiga dowlad goboleedyada, waxaana ay noqdeen labada Mas’uul ee ugu horeeyay ee Puntland soo mara oo iyagoo is khilaafsan xilka baneeya 8 Bishii Janaayo 2019-ka.

IDIL NEWS