Munaasabad Duco iyo salaad ah oo loo sameeyay Dadkii lagu xasuuqay New Zealand (Daawo)

Munaasabad isugu jirtay duco iyo salaadda Jimce ayaa todobo beri kadib lagu qabtey wajhada hore ee masaajidkii lagu laayey dad Muslimiin ah magaalada Christchurch ee dalka New Zealand.

Dadka munaasabadda kasoo qeyb-galay waxaa ka mid ah raysal-wasaaraha dalka New Zealand iyo madaxda dalkaasi qaarkood. Waxaa kulankaan maanta kadib loo dareeray aaska dadkii ku geeriyoodey toogashadii ka dhacdey 2 masaajid oo lagu weeraray magaladaasi.

Muslimiinta waddanka ayaa si weyn uga mahad celiyey sida dadka reer New Zealand ay uga fal celiyeen dhacdadan,hoos ka daawo muuqaalka.

Halkan hoose ka daawo muuqaalka