Nada Nadiim: Basaasadii Carabeed ee ay Xisbullaah ku Dhexbeerto Hayada basaasida Maraykanka ee CIA da.Qaybtii 4-aad.

Nada Nadiim: Basaasadii Carabeed ee ay Xisbullaah ku Dhexbeerto Hayada basaasida Maraykanka ee CIA da.

Si kasta oo ay hay’adda sirdoonku u awood badan tahay, ama tayadeeda iyo waayo aragnimadeeda basaasnimo u sarrayso haddana waa shaki la’aan in mar iyo marar badanba ay la kulmayso dhirbaaxooyin xanuun badan, mararka qaarkoodna jiritaankeeda khatar gelinaya.

Dhirbaaxooyinka wakaaladda sirdoonka ku dhici kara waxaa ka mid ah, in basaas ay meel ku darsadeen ama hawl u dirteen la fashiliyo, ama in basaas dawlad kale ka socdaa uu dhexgalo nidaamkeeda amni oo uu basaaso, labadan xaaladoodba waa ay dhacaan.

Laakiin ta xanuunkeedu sii badan yahay ama aynu dilaaga ku tilmaami karnaa waa marka basaaska cadowgu adeegsanayaa uu yahay ruux wakaaladda lagu dhex darsaday oo si rasmi ah uga tirsan, oo uu weliba ka mid yahay dadka awoodda ku dhex leh ee xogaha muhiimka ahi soo maraan ama haddii uu u baahdo si sahal ah ku heli kara.

Dhirbaaxadani waxa ay marar kala duwan ku dhacday hay’adaha amniga ee dalka Maraykanka oo lagu tiriyo kuwa ugu tayada badan dunida, waxa aynu tusaale ahaan xusi karnaa, dhirbaaxadii CIA ku dhacay bishii Kow iyo tobnaad ee sannadkii 2007, markii la ogaaday in ururka Xisbullaah ee dalka Lubnaan ka dhisani uu ku guulaystay in uu dhexgalo oo weliba uu basaaso qaar ka mid ah xarumaha ugu adkaa ee amniga Maraykanka lagu kaydiyo iyo in uu helo sirtii ugu khatarsanayd ee sirdoon aan dawladi lahayn abid ka helo sirdoonka Maraykanka.

Xogta aadka u xasaasiga ah ee Xisbullaah uu helay waxaa ka mid ahaa qorsheyaal uu Maraykanku diyaarinayey oo liddi ku ah Xisbullaah laftiisa.

Xisbullaah waxa uu adeegsaday gabadh gabadh u dhalatay dalka Lubnaan oo in kasta oo ay qaadatay jinsiyadda Maraykanka haddana weli daacad u ahayd dalkeedii hooyo.

Arrinta xiisaha gaarka ah u yeeshay dhacdadan, sirdoonka Maraykankana fadeexadda weyn u soo hoysay waa in cidda jebisay teedadkii amni ee CIA da ee inta ay basaas ku dhex beeratay xogo xasaasi ah ka heshay aanay ahayn dawlad ka mid ah dawladaha waaweyn ee dunida iyo xitaa dawladaha taagta daran, balse ay tahay urur ay warbaahinta reer galbeedku xitaa ururnimada u qiri weydo oo ‘Maleeshiyo’ lagu tilmaamo.

Waa Xisbullaah oo ah urur qaab jabhadeed u dhisan oo ka jira dalka Lubnaan, una taagan in uu Israa’iil ka dhiciyo dhulka ay hore xoogga ugaga qabsatay dalka Lubnaan iyo guud ahaan dunida Carabta.

Hadaba lasoco Qaybaha ugu xiisaha Badan waa sheekooyin dhaadheer ayaan ka Qoridoonaa insha alaah.

Mubarak Ashkir