Xogo dheeriya oo kasoo baxaya burburkii diyaaradii Itoobiya

Baaritaanka shilkii diyaaradeed ee ku dhacay diyaarad ay lahayd shirkadda diyaaradaha Itoobiya oo weli socda, haddana waxaa soo baxaya warar sheegaya iney aqoonta duuliyeyaasha oo yared ay sababtay shilki diyaaradeed.

Qaar ka mid ah warbaahinta caalamka ayaa baahiyey warar sheegaya duuliyihi waday diyaaraddi Itoobiya ee burburtay inuusan qaadanin tababar dheeraad ah oo la rabay inuu qaato si uu ula qabsado duulinta diyaaradda Boeing 737 Max 8.

Wararka ay baahinayaan warbaahinta caalamka qaarkood waxay shirkadda diyaaradaha Itoobiya ay ku abuurtay cadho iyada oo sheegtay inuu warkaasi been abuur yahay oo waxba ka jirin.

Warbaahinta baahisay warkanna waxay sheegeen “iney xogta ka heleen ilo aad ugu dhow shirkadda diyaaradaha Itoobiya balse ay magacooda shaacin”..

“waxayna sheegeen duuliyaha diyaaradda waday iney u harsaneyd tababarka duulimaadka koombiyuutarka (simulator) lagu qaato si diyaarad cusub markay timaaddo uu duuliyaha ula sii qabsado uusan qaadan.

Duuliyahana waxaa uu u ballansanaa ayay yidhahdeen inuu bishan dhammaadkeeda uu tababarka qaato balse uu tababarka ka horba shilka diyaaradda uu ku geeriyooday “.

Shirkadda diyaaradaha Itoobiyana waxay sheegtay “warkaasi inuu yahay mid been ah oo looga tala galaay in eedda ay lahayd shirkadda Boeing dusha laga saaro shirkadda diyaaradaha Itoobiya”.

Wargeyska New york Times oo warbixintan si weyn wax uga qoray kuna baahiyey baraha bulshada waxaa warbixinteeda ka hor yimid kumannaan qof. Iyaga oo sheegay cilladda ay diyaaradda lahayd in lagu wareejiyo duuliyaha inuu aqoon buuxda lahayn.

“Duuliyeyaasha shirkadaha waaweyn ee Mareykanka markay duuliya ka noqonayaan diyaaradda Boeing 737 Max 8 waxay tababar hal saac ay ku qaataan Ipad, marka iney caddahay iney ujeddadu tahay khaladka Boeing in dusha laga saaro shirkadda diyaaradaha Itoobiya” ayey tiri shirkadda diyaaradaha Itoobiya.

Xigasho BBC.