Garoowe: Baarlamaanka oo maanta la hor-geynayo Miisaaniyadda DPL ee 9 bilood ee hartay.

GAROOWE (IDIL NEWS)-Xildhibaanada Golaha Wakiilada Dowladda Puntland oo muddooyinkii ugu dambeeyay fasax nasasho ah ku jiray ayaa maanta yeelanaya kulan xasaasi ah, kaas oo loogu hadlayo Ajandayaal dhowr ah.

Kulanka Xildhibaanada Golaha Wakiilada Puntland ayaa waxyaabaha looga hadlayo waxaa kamid ah Ansixinta Miisaaniyadda Dowladda Puntland ee 9 bilood eek a haray Sanadka.

Wasiirka Maaliyadda Dowladda Puntland Xasan Shire Abgaal, ayaa lagu wadaa in uu hortago Xildhibaanada Golaha Wakiilada Dowladda Puntland, isagoona kahor akhrin doona Qorsayaasha Miisaaniyadda Dowladda ee 2019-ka.

Sidoo kale, Xildhibaanada Golaha Wakiilada Puntland ayaa Su’aalo weydiin doono Wasiir Abgaal, kuwaas oo ku saabsan Miisaaniyadda iyo Qoondooyinka Dowladda.

Golaha Wasiirada Dowladda Puntland ayaa kulankoodi Khamiistii ku meel-mariyay Miisaaniyadda, iyadoona la amray in Sabtida maanta ah la hor-geeyo Baarlamaanka si ay u ansixiyaan ama ay u diidaan.

Ciidamada amniga iyo Shaqaalaha Dowladda  ayaa bilihii lasoo dhaafay aan qaadan wax Mushaar ah, Iyadoona Wararku sheegayaan in Madaxweynuhu uu amray inaan la bixin Mushaarka Ciidamada iyo Shaqaalaha illaa laga meel-marinayo Miisaaniyada.

IDIL NEWS