Madaxweynaha Puntland oo si adag uga hadlay Weerarkii Muqdisho (Akhriso)

GAROOWE (IDIL NEWS)-Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa ka tacsiyeeyey qaraxii iyo weerarkii bahal nimada ahaa ee ka dhacay maanta magaalada Muqdisho.

Madaxweyne Deni ayaa si gaar ah uga tacsiyeeyay geerida Wasiir ku-xigeenkii Wasaaradda Shaqada iyo Shaqaalaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Saqar Ibraahim Cabdalla, kaas oo ku dhintay Weerarka Al-Shabaab ku qaaday xarunra Wasaaradda.

IDIL NEWS