Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland oo Daah-furay Talaalka Dabaysha ee Caruurta 5 Sano Kayar (Daawo)

GAROOWE (IDIL NEWS)-Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa maanta xarunta Wasaaradda Caafimaadka Puntland ee Garoowe ka daahfuray Talaalka Dabaysha ee caruurta 5-ta sano kayar.

Daahfurka talaalka ayaa waxaa Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland ku wehelinaayey, Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Puntland Dr. Jaamac Faarax Xasan, masuuliyiinta kale ee Wasaradda, masuuliyiin ka tirsan Goleyaasha Dowladda Puntland, bahda caafimaadka Gobolka Nugaal iyo saraakiil ka tirsan Madaxtooyada Puntland.

Talaalka Dabaysha ee caruurta shanta sano ka yar oo guud ahaan deegaanada Puntland ka socon doona muddo afar cisho ah ayaa inta uu socdo waxaa lagu talaalayaa caruur gaaraysa Nus Malyan in ka badan (537,309), Wasaaradda Caafimaadka Dowladda Puntland ayaa la kaashanaysa fududaynta talaalka hay’addaha shaqo wadaagta la ah ee WHO iyo UNICEF, waxaana ka qayb qaadanaya 3,854 xirfadlayaal caafimaad.

Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa munaasabadda daahfurka khudbad muhiim ah ka jeediyey, waxa uu xusay in talaalka dabayshu yahay mid mihiim ah, Sidoo kale waxa uu Madaxweyne Karaash mahad balaadhan u jeediyey cidkasta oo ka qayb-qaadatay hirgelintiisa oo ay ugu horayso Wasaaradda Caafimaadka Puntland.

“Waxaan ku faraxsanahay inaan idin-kala soo qayb galo munaasabadan muhiimka ah, muhiimadda gaarka ah ayuu nooleeyahay talaalkani, waa ay ku mahadsan yihiin intii ka qayb qaadatay fulinta barnaamijkan oo ay ugu horreeyaan Wasaaradda Caafimaadka Dowladda Puntland, WHO Iyo UNICEF, waxaan idinkula dardaarmayaa inaad la shaqaysaan hawl-wadeenada hawshaan haya” Ayuu yiri Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland.

Daawo.

IDIL NEWS