Madaxweyne Xaaf oo ugu baaqay Madaxda DF Soomaaliya inay Is-casilaan.

DHUUSA-MAREEB (IDIL NEWS)-Madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug Mudane Axmed Ducalle Geelle Xaaf, oo ka hadlay Ciidamada Gadoodsan ee soo baneeyay Furimaha dagaal, ayaa Ciidanka ugu baaqay in ay si deg deg ah ugu laabtaan Furimaha dagaalka ee ay kasoo baxeen.

Madaxweyne Xaaf ayaa sheegay in Madaxda dalka ay fashilmeen, islamarkaana Ciidanka looga baahan yahay in ay difaacaan dalkooda oo aysan aaminin in Madaxda dalka ay leeyihiin dalka.

Waxaa uu Walaac ka muujiyay Gadoodka Ciidanka dowladda Soomaaliya, waxaana uu sheegay in loo baahan yahay in Ciidanka la daryeelo si aysan dhibaato kaga dhalan.

Xaaf ayaa xusay in Madaxda ay haboon tahay in ay ka deggaan Hoggaanka dalka Maadaama xaaladda ay sii xumaaneyso, islamarkaana weeraro Joogto ah iyo Qaraxyaddana ay ka socdaan Muqdisho.

IDIL NEWS