Miisaaniyada Dowlada Puntland oo Baarlamaanka la horgeeyay(Daawo)

Madaxada Wasaaradda Maaliyadda ayaa Barlamanka Dawladda horgeeyayay Miisaaniyada 2019

Madaxda Wasaaradda Maaliyadda ee ka qayb galay gud binta Miisaaniyada waxaa ka mid ahaa Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda,Wasiirku xigeenka Maaliyadda,Xisaabiyaha Guud,Agaasimaha Guud, Agaasimaha Waaxda Miisaaniyada iyo masuuliyiinkale oo ka tirsan Wasaaradda Maaliyadda.

Gudoomiyaha Golaha Baarlamaanka Puntland C/xakiin Maxamed Axmed (Dhoobodaarood) ayaa Golaha Baarlamaanka usheegay in Madaxda Wasaaradda Maaliyaddu ay Golaha horkeeneen Miisaaniyada 2019.

Wasiirka Maaliyadda Dawladda Puntland Mudane Xasan shire Cabdi ayaa Golaha Baarlamaanka ka hor akhriyay Miisaaniyada 2019 cadad keeduna yahay $54,450,000 waana Miisaaniyada dakhliga gudaha marka laga reebo wold bank UN ka iyo Dawladaha Hoose

isku darka wadarta Guud ee Dakhliga Dalka,UN,iyo Dawladaha Hoose ayaa sagaalka bilood noqonaaya $133,081,174

sidoo kale Wasiirka ayaa Golaha Baarlamaanka xog dheeraad ah ka siiyay himilooyonka ay higsanayso Wasaaradda Maaliyaddu ee ku aadan kobcinta takhliga Dawladda Puntland.

Golaha Baarlamaanka Puntland ayaa soo akhrin doona Miisaaniyada 2019 waxana lafilayaa Gudiga dhaqaalaha Golahu in ay su aalo dheeraad ah way diin doonaan Madaxda Wasaaradda Maaliyadda kadib na ansixindoonaan.

Halkan hoose ka daawo muuqaalka