Muqdisho: Qaraxyo iyo Weerar toos ah oo lagu qaaday Xarunta Wasaaradda Shaqada

MUQDISHO (IDIL NEWS)-Qaraxyo iyo Weerar toos ah ayaa Goor-dhaweyd lagu qaaday xarunta Wasaaradda Shaqadda iyo Shaqaalaha Dowladda Federaalka Soomaaliya ee Magaalada Muqdisho.

Wararka ayaa sheegay in qaraxa hore oo ahaa mid aad u xooggan uu ka dhacay afaafka hore ee Xarunta Wasaaradda Shaqada iyo Shaqaalaha oo ku dhow Isgoyska Jubba.

Qaraxa kaddib ayaa la sheegay in rag hubeysan ay gudaha u galeen xarunta, isla markaana la maqlayo rasaas culus, Iyadoona Wararku ay intaas ku darayaan in rasaasta ay gudaha Wasaaradda ka socoto, waxaana la maqlay qarax labaad.

Dhismaha la weeraray ee Wasaaradda Shaqada iyo Shaqaalaha ayaa isku dhegan, sidoo kale waxaa u dhow Taliska Qeybta Guud ee Booliska Gobolka Banaadir.

Khasaare isugu jira khasaare dhimasho iyo dhaawacba ayaa lasoo sheegayaa in uu ka dhashay qaraxyada.

Wixii Kasoo Kordha Kala Soco Idil News.

IDIL NEWS