Muqdisho: Sarkaal katirsan Al-Shabaab oo lagu qabtay Howlgal

MUQDISHO (IDIL NEWS)-Sarkaal kamid ah Amniyaatka Kooxda Al-Shabaab ayaa lagu qabtay Howlgal qorshaysan oo ka dhacay Muqdisho 21-kii Bishan, kaas oo ay fuliyeen Ciidamada Amniga Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Hay’addaha Ammaanka Dowladda Soomaaliya ayaa sheegay in ninkan uu Shabaab u qaabilsanaa dilalka qorsheysan ee ka dhaca Magaalada Muqdisho.

Sarkaalkan ayaa ka danbeeyay abaabulka iyo hoggaaminta Dilal badan oo loo gaystay Dad waxtar u lahaa bulshadda Soomaaliyeed, sidda ay sheegtay Warbaahinta dowladda.

Hawlgalkan ayaa inta uu socday waxaanan jirin cid wax ku noqotay, Ninka la soo qabtay ayaa waxa la geeyay mid ka mid ah xarumaha baarista ee ciidanka dowladda federaalka.

Ninkaan la soo qabtay lama soo bandhigin sidoo kalena lama hayo magaciisa, balse Hay’addaha Ammaanka ayaa shaaciyay in la qabtay, hadana ay ku jiro gacanta dowladda.

IDIL NEWS