Muqdisho: Wararkii ugu dambeeyay ee Weerarkii Wasaaradda Shaqada oo weli socda

MUQDISHO (IDIL NEWS)-Weear Qaraxyo iyo toos ah oo Goor-dhaweyd lagu qaaday xarunta Wasaaradda Shaqadda iyo Arrimaha Bulshadda dowladda Soomaaliya ee Magaalada Muqdisho, ayaa weli socda, Iyadoona Dhawaqa rasaasta laga maqlayo Gudaha Xarunta.

Labadda Qarax oo kala dambeeyay Daqiiqo yar ayaa Midka Koowaad lagu dhuftay Iridda laga galo Wasaaradda Shaqadda iyo Arrimaha Bushadda, waxaana  ka socotay Shaqadda Maalin laha ah ee loogu adeego Bulshadda Soomaaliyeed.

Qaraxa Koowaad markii dhacay Dabley hubeysan ayaa weerar toos ah ku qaaday Wasaaradda.

Qaraxa Labaad ayaa la sheegay in uu ahaa gaari  ay kasoo degteen Dableyda Hubeysan oo Qaraxyadda ka dib Gudaha u galay xarunta Wasaaradda Shaqadda iyo Shaqaallaha.

Ciidanka Ammaanka dowladda Soomaaliya ayaa howlgal culus ka wadda Gudaha Wasaaradda, waxaana muuqata Qaar ka mid ah Shaqaallaha Wasaaradda oo laga soo badbaadinaayo goobta, waxaana daaqaha la saaray Jaran jarooyin.

Gurmad ayaa wali socda si rasmi ah looma xaqiijin karo Khasaaraha ka dhashay Qaraxyadda iyo Weerarka ka socda xarunta Wasaaradda Shaqadda iyo Shaqaallaha.

Daawo.

IDIL NEWS