Ra’iisulwasaare Kheyre oo tacsi u diray Ehelada Wasiir ku-xigeenkii Wasaaradda Shaqada (Daawo)

MUQDISHO (IDIL NEWS)-Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa u tacsiyeey qoysaskii ay ka dhinteen dadkii lagu diley weerarkii saaka ay ku qaadeen ururka Al-Shabaab wasaarada Shaqada iyo Arrimaha Bulshada.

Ra’iisulwasaare Kheyre ayaa tacsi gaar ah u diray qoyskii uu ka geeriyooday Wasiir ku-xigeenkii Wasaarradda Shaqada iyo Arrimaha bulshada, Saqar Ibraahim Cabdalla oo kamid ahaa dadkii ku dhintay weerarka, waxa uuna dhammaan dadka ku dhaawacmay u rajeeyay in Allah uu siiyo caafimaad deg deg ah.

Xasan Cali Khayre Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa dhammaan dadka Soomaaliyeed ee ku dhintay weearka argagaxiso waxa uu ugu duceeyay in Allaha uu jannadii geeyo eheledii iyo asaxaabtii ay ka bexeenna samar iyo iimaan uu ka siiyo.

Daawo.

IDIL NEWS