Soomaaliya oo gacmaha ka laabatay codayn looga soo horjeeday go’aankii Trump ee Buuraha Golan- Heigths

GENEVA (IDIL NEWS)-Ergada Guddiga Qaramada Midoobay u Qaabilsan Xuquuqda Aadanaha ee dowlada Soomaaliya ayaa ka aamustay codeyn guddigaasi uu ku cambaareynayay qorshaha Maraykanka uu ugu aqoonsanayo Buuraha Golan Heights in ay leedahay  Israel.

Codeyntan oo dhacday maalin kadib markii uu Trump sheegay in la gaaray xilligii uu Maraykanku u aqoonsan lahaa Golan Heights inay tahay hanti ay Yuhuudu leedahay ayaa 26 guddiga ka mid ah ay oggolaadeen cambaareyntan halka 16 kalana diideen waxaana ka aamusay shan dal oo ay Soomaaliya kamid tahay.

Guddiga UNHRC oo xaruntiisu tahay magaalada Geneva ayaa dood kulul ka yeeshay qaraarka ay shalay ku cambaareynayeen go’aanka Maraykanka.

Shanta dal ee ka aamustay codeynta cambaareynta go’aanka Maraykanka ayaa waxaa ka mid ah dalalka Cameroon, Democratic Republic of Congo, Fiji, Rwanda iyo Somalia.

Wadamada Islaamka ayaa aad ula yaabay mowqifka dowlada Soomaaliya iyadoo la ogyahay in gabadha asalkeedu yahay Soomaali oo ka mid ah Congresska dalka Maraykanka ay muujisay sida ay u diidan tahay siyaasada Maraykanka ee dalka Israel.

Buuraha Golan Heights ayaa Israel ku qabsatay dagaalkii 1967dii waxayna Israel sheegatay in uu buurahaas uu ka mid yahay dalkeeda sanadkii 1981kii mana jirto wadan ka mid ah caalamka oo aqoonsaday.

IDIL NEWS