Al-Shabaab “Wasaaradda Shaqada ee aan weerarnay waxaa lagu qorayay Ciidan”

MUQDISHO (IDIL NEWS)-Barqanimadii shalay ayaa weerar ku bilaawday qaraxyo waxaa lagu qaaday Xarunta Wasaaradda Shaqada iyo Shaqaalaha ee Xukuumadda Soomaaliya oo ku taalla agagaarka Isgoyska Jubba, waxaana weerarkaas sheegtay Al-Shabaab, iyaga oo shaaciyey sababta ay u weerareen.

Afhayeenka ciidamada Al-Shabaab Cabdi Caziiz Abuu Muscab  ayaa ku sheegay sababta ay u weeraeen Xarunta in Wasaaradda ay ku howlaneed qorista Ciidamo la dagaalama Ururka Al-Shabaab.

Warar lagu daabacay Baraha Internet-ka ee taageera Al-Shabaab ayaa lagu sheegay in Wasaaradda ay sidoo kale diyaarineysay ciidamo dharcad ah oo basaasa Culuma’udiinka ku nool Magalada Muqdisho iyo cidkasta oo kasoo horjeeda dowladda federaalka Soomaaliya waa sida ay hadalka u dhigeen.

Sidoo kale waxa uu sheegay Cabdi Caziiz Abuu Muscab in Wasaaradda Shaqada ay sidoo kale qoreysay dhalinyaro ka qeyb qaata dib u dhiska Tiyaatarka Qaranka, iyada oo loo marayo Barnaamijka isxilqaan,taasina uu sheegay inay tahay mid kasoo horjeeda Diinta Islaamka.

Al-Shabaab ayaa waxa ay sheegeen in weerarkii shalay ay ku dileen 15 oo uu ku jiro Wasiir ku xigeenkii Wasaaradda Shaqada iyo Shaqaalaka xukuumadda Soomaaliya , islamarkaana ay ku dhaawaceen 26 kale oo ay saraakiil ku jiraan.

IDIL NEWS