Baarlamaanka Jubbaland oo ansixiyay Guddiga Doorashada (Sawirro)

KISMAAYO (IDIL NEWS)-Baarlamaanka Dowlad Goboleedka Jubbaland ayaa meel meriyay guddiga madaxa bannaan ee xuduudaha iyo doorashooyinka Jubbaland, kaas oo uu Magacaabay Saacadihii lasoo dhaafay Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe.

Xildhibaanada Golaha Wakiilada Jubbaland oo maanta yeeshay fadhigii 69-aad kal-fadhigii 4-aad ee golaha oo ay soo xaadireen 54 Mudane ayaa la horkeenay guddiga madaxa bannaan ee xuduudaha iyo doorashooyinka Jubbaland.

Baarlamaanka ayaa ku ansixiyay cod gacan taag ah,waxaana Gudigan oo ka koobnaa 7 Xubnood, kuwaas oo kala ah;

1.Xamse Cabdi Barre
2.Axmed Cumar Maxamed
3.Samsam Macalin Faarax Abuukar
4.Mursal Siyaad Maxamed
5.Ibraahim Aadan Ibraahim
6.Maxamed Cusmaan Yuusuf
7.Axmed Maxamed Yuusuf

Dowlad Goboleedka Jubbaland ayaa isu diyaarinaya doorashada Madaxweynaha balse lama sheegin xilliga ay dhacayso doorashada.

Sawirro.

IDIL NEWS