Ciidamada Dowladda oo saacadaha soo socda ka baxaya Baraawe (Daawo)

BARAAWE (IDIL NEWS)-Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya ee ku sugan Degmada Baraawe ee Caasimadda Maamulka Koonfur Galbeed, ayaa shaaca ka qaaday inay saacadaha soo socda soo baneynayaan Baraawe, kaddib xaalada adag oo soo wajahday bilihii ugu dambeeyay.

Qaar kamid ah Ciidamada oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in 4 bilood ee lasoo dhaafay aysan helin wax Mushaar ah, haatana uu ka go’ay saadkii iyo cunadii ay cunayeen.

Ciidamada ayaa xusay in xaalada haatan heysatay ay uga daran tahay duruufihii adkaa ee soo maray mudadii 5 sanno iyo bilaha ah ee ay ku sugnaayeen Degmada Baraawe oo ay ka saareen Maleeshiyaadka Al-Shabaab.

Madaxweyne Farmaajo Iyo Ra’iisulwasaare Kheyre ayay ugu baaqeen inay 3 Berri gudahood uga soo jawaabaan Duruufta iyo Cabashadooda, Iyagoona tilmaamay in wixii intaas ka dambeeya ay soo baneynayaan Baroowe oo Shabaab ay dul-fadhiyaan.

Hadalkan kasoo yeeray Ciidamada Xoogga dalka eek u sugan Degmada Baraawe ee Gobalka Shabeellaha Hoose, ayaa imaanaya xilli Ciidamo ka gadoodsan Mushaar la,aan iyo Saadkii oo ka go’ay ay so baneeyeen Jiidaha dagaalka ee Degaano badan oo katirsan Gobalada Shabeelooyinka, iyadoona ay ku guuldareysatay Dowladdu inay ku qanciso inay ku laabtaan Fariisimahoodii.

Daawo.

IDIL NEWS