Dadaalo lagu heshiisiinayo Madaxweyne Deni Iyo Boqor Burhaan oo Socda.

GAROOWE (IDIL NEWS)-Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Siciid C/llaahi Deni, ayaa la filayaa in maalmaha soo socda uu tago Magaalada Qardho ee xarunta dhaqanka Soomaaliyeed.

Madaxweyne Deni ayaa la sheegay in Qardho uu kulan kula yeelanayo Boqor Burhaan Boqor Muuse, kaas oo ay ka dhexeyso Xurguf soo jirtay Sanadihii ugu dambeeyay.

Wararka ayaa Sheegaya in uu socdo dadaalo ay wadaan Siyaasiyiin iyo Waxgarad, kuwaas oo la doonayo in lagu heshiisiiyo Madaxweyne Deni iyo Boqor Burhaan, oo kala tirsanaya arrimo dhowr ah.

Madaxweyne Deni ayaa la sheegay inuu dalbaday in Boqorku uu ugu yimaado Magaalada Garoowe ee Caasimadda Dowladda Puntland, taas oo uu ka biyo diiday Boqor Burhaan.

Ergada dadaalka ugu jirta Heshiisiinta Madaxweynaha iyo Boqorka oo isku beel kasoo jeeda ayaa la sheegay inay Madaxweyne Deni ku qanciyeen in uu tago Magaalada Qardho si loo dhameeyo Xurgufta dhex-taalla isaga iyo Boqorka, taas oo uu aqbalay Madaxweynuhu.

Madaxweyne Deni ayaan taageero ka heysan Beesha uu kasoo jeedo, sida ay sheegayaan Dad xog-ogaal ah, waxaana arrintani ay si toos ah u soo shaac baxday kaddib Markii Guddoomiyaha Baarlamaanka Puntland Dhooba-daareen uu cod sir ah oo laga duubay ku muujiyay in Madaxweynuhu heysan taageerada Beeshiisa, taas oo abuurtay hadal heyn badan.

Mr. Siciid C/llaahi Deni iyo Boqor Burhaan Boqor Muuse, ayaa la sheegay inay marar badan isku maan-dhaafeen Arrimaha Siyaasadda Soomaaliya iyo matalaada ay Beeshiisu ku lee dahay Dowladda Federaalka Soomaaliya, kahor inta uusan noqon Madaxweynaha Dowladda Puntland.

Madaxweynaha Dowladda Puntland ayaa la filayaa in uu maalmo ku sugnaado Magaalada Qardho, isagoona uga sii gudbi doona Magaalada Boosaaso ee xarunta Ganacsiga Dowladda Puntland.

IDIL NEWS