Dowladaha Iyo Ururada Carabta oo cambaareeyay Qaraxyadii Muqdisho (Akhriso)

MUQDISHO (IDIL NEWS)-Baarlamaanka Carabta, Ururka Iskaashiga Islaamka ee OIC, Dowladaha Sacuudiga iyo Baxrayn ayaa si kulu u cambaareeyay qaraxyadii shalay ka dhacay qeybo ka mid ah Magaalada Muqdisho.

Guddoomiyaha Baarlamaanka Carabta,Dr; Mishcal, bin Faham, Asalami, ayaa tacsi u diray , Madaxweynaha, Xukuumadda, Baarlamaanka iyo Shacabka Soomaaliya, geeridii ku timid Wasiir ku xigeenkii Wasaaradda Shaqada iyo arrimaha Bulshada, Saqar Ibraahim Cabdalla, oo xubin hore ka ahaa Baarlamaanka Carabta, kaas oo ku dhintay qaraxii lala beegsaday wasaaradda Shaqada.

Wuxuuna guddoomiye, Mishcal Alle uga baryay in uu Jannadii Fardowsa ka waraabiyo marxuumka, Ehelladii iyo qaraabadii u ka tagayna samir iyo iimaan ka siiyo.

Waxaa tacsi taa la mid ah u soo dir Dowladda iyo Shacabka Soomaaliyeed, xoghayaha guud ee Ururka Iskaashiga Islaamka, Dr; Yuusuf Bin Axmed Al-Cutheymiin, isagoo sheegay in Ururku uu cambaaraynayo qaraxyadaas  nooc walba oo ay yihiin, wuxuuna intaa raaciyay in OIC ay garab taagan tahay Dowladda Soomaaliya, kuna taageereyso dagaalka ka dhanka Al-Shabaab.

Sidoo kale, Boqortooyada Sacuudi Carabiya iyo Dowladda Baxrayn ayaa si kulul u cambaaraysay qaraxyadii isxig xigay ee shalay ka dhacay Caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho, kuwaas oo galaaftay nolosha Dad maato ah aan waxba galabsan.

Masu’uul ka tirsan Wasaaradda Arrimaha dibadda ee Sacuudiga ayaa wakaaladda wararaka Sacuudiga u shaagay inay Xukuumadiisu cambaaraynayso falalka noocan ah, wuxuu caddeeyay inuu Dalkiisu uga tacsiyadeynayo Xukuumadda Soomaaliya iyo ehelada marxuukumiintii ku geeriyootay qaraxyadaasi.

Wuxuuna sheegay in Boqortooyada Sacuudiga ay ka soo horjeedo nooc kasta oo fal argagixiso ah, isagoo u rajeeyay Dadkii ku dhaawacmay falalkaasi inuu Eebbe bogsiiyo kuwii ku dhintayna Janadiisa ka waraabiyo.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda  Dalka Baxreyn,  bayaan ay soo saartay ayaa waxay ugu tacsiyeysay Dowladda Soomaaliya iyo Shacabkeeda Dadkii ay waxyeellada kasoo gaadhay qaraxyadii ka dhacay Muqdisho, iyadoo u rajeysay in dhaawacyada uu Alle siiyo Caafimaad dhammaystiran.

Waxanay Boqortooyada Dalka Baxrayn sheegtay in ay garab taagan tahay Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya la dagaallanka iyo falalka Argagixisada nooc walba oo ay yihiin.

IDIL NEWS