Jawaari oo ka hadlay weerarkii lagu qaaday Wasaaradda Shaqada

MUQDISHO (IDIL NEWS)-Guddoomiyihii hore ee Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya Xildhibaan Maxamed Sheekh Cusmaan (Jawaari) ayaa cambaareeyay qaraxii Al-Shabaab ay ka geysteen dhismaha Wasaaradda shaqada iyo arrimaha bulshada ee Soomaaliya, halkaas oo ay ku geeriyoodeen dad uu ku jiro Allaha ha u naxriistee Xildhibaan Saqar Ibraahim Cabdalla oo Sidoo kale ahaa wasiir ku xigeenka wasaaradda shaqada iyo Arrimaha bulshada.

“Innaa lillaa wa innaa ileehi raajicuun Allaha ha u naxriisto dhamaan dadkii ku geeriyooday falkaasi ay argagixisadu geysatay oo uu ku jiro wasiirkii ku Xigeenkii wasaaradda shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xildhibaan Saqar Ibraahim Cabdalla, Naxriistii jano Allaha haka waraabiyo intii kale ee ku dhaawacantayna bogsiimo deg deg Allaha ha siiyo” ayuu yiri Guddoomiyihii hore ee golaha Shacabka Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari.

Waxa uu Sidoo kale ku amaanay Ciidamada amaanka qaranka sida ay usoo gaba gabeeyeen weerarkii lagu qaaday Xarunta wasaaradda, iyaga oo toogtay raggii weerarka ka geystay Xaruntaas.

Ugu dambeyn Xildhibaan Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaa ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed in ay la shaqeeyaan hay’adaha amaanka, si looga hortago weerarada Ururka Al-Shabaab ay ka geystaan Magalada Muqdisho.

IDIL NEWS