Madaxweyne Axmed Madoobe oo magacaabay guddiga Doorashooyinka Jubbaland (Akhriso)

KISMAAYO (IDIL NEWS)-Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam ayaa magacaabay guddiga madaxa banaan Xaduudaha iyo doorashooyinka Jubbaland, kuwaas oo ka kooban 7 Xubnood.

Wareegto kasoo baxday Xafiiska Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa lagu sheegay in Guddiga la Magacaabay markii la arkay baahida loo qabo guddi madax banaan oo maareeya xaduudaha iyo doorashooyinka Jubbaland.

Xubnaha 7 ah ee loo Magacaabay guddiga madax banaan oo maareeya xaduudaha iyo doorashooyinka Jubbaland, ayaa kala ah;

1.Xamse Cabdi Barre
2.Axmed Cumar Maxamed
3.Samsam Macalin Faarax Abuukar
4.Mursal Siyaad Maxamed
5.Ibraahim Aadan Ibraahim
6.Maxamed Cusmaan Yuusuf
7.Axmed Maxamed Yuusuf

Dowlad Goboleedka Jubbaland ayaa isu diyaarinaya doorashada Madaxweynaha balse lama sheegin xilliga ay dhacayso doorashada.

IDIL NEWS