Madaxweyne Biixi “Caalamku wuxuu garowsaday inay kala Go,aan Soomaaliya iyo Somaliland” (Daawo)

HARGEYSA (IDIL NEWS)-Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi oo maanta ka hor-jeediyay Labada Gole ee Baarlamaanka Somaliland Khudbadiisa Dastuuriga ah ee sanad walba uu kahor jeediyo Baarlamaanka, ayaa ka hadlay arrimaha la xiriira wadahadalada Dowladda Soomaaliya iyo Somaliland.

Madaxweyne Muuse Biixi ayaa sheegay in dhowr mar ay la soo xiriireen Dowladaha Sweden iyo Switzerland si ay u wada hadlaan Soomaaliya iyo Somaliland, isla markaana ay aqbaleen.

Wuxuu tilmaamay in Madaxda Dowladda Soomaaliya ay ku dhagan yihiin Dowladda Turkiga, oo sida uu sheegay ku fashilantay Dhowr mar oo ay isku dayday in la xaliyo wada hadalada Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Somaliland.

“Waxa muuqata in caalamka badankiisu garwaaqsaday in la joogo wakhtigii la kala guri lahaa Somaliland iyo Soomaaliya. Annagu Xukuumad ahaan waxaannu qaadanay siyaasadda ah in mushkiladda loo galo si nabad ah oo lagu dhammeeyo wadahadal iyo nabad-gelyo. Mar walba waxaannu ka fogaanaynaa wixii keeni kara xasarad iyo colaado hor-leh, maadaama Somaliland ay waayo-arag u tahay riiqda colaadaha” ayuu yiri Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi.

Daawo.

IDIL NEWS