Maxay tahay Xaqiiqada ka Qarsoon ee Kulankii R/wasaare Kheyre iyo Safiirada Beesha Caalamka ?

MUQDISHO (IDIL NEWS)-Warbaahinta iyo Baraha Bulshada Dowladda ayaa lagu baahiyay in Ra’iisulwasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Kheyre uu kulan deg deg ah isugu yeeray Taliska Howl-galka AMISOM iyo Safiirada dawladaha Soomaaliya ka taageera amniga iyo la dagaalanka Argagaxisada.

Kulanka oo ahaa mid deg deg ah ayaa ka dhacay Xarunta Xalane oo saldhig u ah Beesha Caalamka, saacad uun kaddib markii Dagaalamayaasha Al-Shabaab ay weerar culus ku qaadeen Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, kuna dileen illaa 15 Qof oo uu kamid ahaa Wasiir ku-xigeenkii Wasaaradda Saqar Ibraahim Cabdalla.

Maxay tahay Xaqiiqada ka Qarsoon ee Kulanka ?

Sarkaal kamid ah Wasaaradda amniga Dowladda Federaalka Soomaaliya oo diiday inaan adeegsano Magaciisa, ayaa Shabakadda Idil News u sheegay in kulanka ka dhacay Xarunta Xalane uu ahaa mid loogu yeeray Madaxda Dowladda Federaalka.

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo, ayaa ka dalbaday Ra’iisulwasaare Kheyre in uu ka qeyb-galo Kulankaas oo uu Madaxweynuhu ka cudur daartay, waxaana kulanka ku wehliyay Taliyayaasha Ciidanka Soomaaliya.

Safiirrada Maraykanka, Ingiriiska, Midawga Afrika iyo safiir ku-xigeenka Midawga Yurub ee Soomaaliya, oo kulanka ku sugnaa ayaa Su’aalo weydiiyay Ra’iisulwasaare Kheyre, kuwaas oo ku aadana Xaalada amni ee Muqdisho oo Faraha kasii baxaysa iyo Ciidanka Dowladda ee soo baneeyay Furumaha Dagaalka ee deegaanada ku xeeran Muqdisho.

Ra’iisulwasaare Kheyre ayaa u sheegay Safiirada Beesha Caalamka inay heystaan Caqabado badan oo sabab u noqonaya Fashilada amni ee heysa Dowladda, waxaana uu ku nuux-nuuxsaday Dhaqaale la,aan baahsan oo soo wajahday Dowladda Sanadkii ugu dambeeyay.

Sidoo kale, Xasan Cali Kheyre ayaa u sheegay Safiirada Beesha caalamka in Al-Shabaab ay ku dhex milantay Hoggaanka Amniga iy Siyaasadda ee dalka, taas oo horsed u noqotay inay fashilmaan Qorshayaasha Dowladda eek a dhanka ah Al-Shabaab.

Xubnaha Beesha Caalamka ayaa u sheegay Ra’iisulwasaare Kheyre in aysan u dul-qaadan doonin Burburka ku socda hanaankii amni ee ay u diyaariyeen Soomaaliya sanadihii tagay, waxaana ay xuseen inay lama huraan tahay inay si toos ah u soo fara-gashaan Amniga iyo Siyaasadda Soomaaliya, hadeysan la imaan Xukuumaddu Qorshe cad oo lagu xaqiijinayio amniga, lagulana dagaalamayo Al-Shabaab.

IDIL NEWS