Wasiirka Warfaafinta Somaliland oo loo xiray Eedeeymo Musuq-maasuq.

HARGEYSA (IDIL NEWS)-Ciidamada Booliska Somaliland ayaa xabsiga u taxaabay Wasiirkii Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyi-gelinta Somaliland C/rixmaan Guri-barwaaqo.

Xariga Wasiirka ayaa la sheegay in uu la xariiro Eedeeymo Musuq-maasuq oo lagu hayo, Iyadoona lagu waddo in saacadaha soo socda uu kasoo muuqdo Maxkamadda sare ee Somaliland.

Wararka ayaa sheegaya in si KMG ah Shaqadii looga joojiyay Wasiirka, Isagoona ku wareejiyay Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Warfaafinta Somaliland Maxamed Muuse Abees, waxaana Wasiirka loo heystaa wax isdaba marin uu sameeyey.

Hanti-dhowraha Guud ee Somaliland ayaa maalmahaan baaris waxa ay ku hayeen Xafiisyada Wasaaradda Warfaafinta, waxaana horay loo xiray mas’uuliyiinj ay ka mid yihiin Agaasimaha waaxda maamulka iyo lacagta.

Wixii Kasoo Kordha kala soco Idil News.

IDIL NEWS