Yaasiin Cabdisamad oo laga reebay Golaha Degaanka cusub ee Gaalkacyo (Akhriso)

GAALKACYO (IDIL NEWS)-Liiska Xubnaha Golaha Degaanka ee Degmada Gaalkacyo ee Xarunta Gobalka Mudug, ayaa la ansixayay, kaddib markii maalmihii ugu dambeeyay ay ka socotay Gaalkacyo soo xulista xubnahan.

Golaha Degaanka Gaalkacyo ayaa ka kooban 31 Mudane, Iyadoona 25 kamid ah ay yihiin Rag, halka 6 kalena ay yihiin Dumar, waxaana xubnahan meel-mariyay Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Faderaalka iyo Dilmuquraadiyaynta Dowladda Puntland Maxamed C/rixmaan Dhabancad.

Liiska Golaha Degaanka cusub ayaa waxaa aan kasoo Muuqan Duqa KMG ah ee Degmada Gaalkacyo Yaasiin Cabdisamad, kaas oo ay si weyn isha ugu hayeen Shacabka Magaalada Gaalkacyo, waxaana la sheegay in uu ku waayay xubinta Golaha Degaanka arrimo Awood qeybsi oo beeshiisa ka dhex-jira.

Doorashada Guddoonka Golaha Degaanka Degmada Gaalkacyo, ayaa la filayaa inay dhacdo Maalmaha soo socda, waxaana wararku sheegayaan inay ku tartami doonaan Labo Musharax.

Akhriso Liiska Golaha Degaanka Cusub ee Degmada Gaalkacyo.

IDIL NEWS